HomeWararDEG DEG: Qarax ka dhacay Waddo loo Qorsheynayay in Madaxweyne Xasan Sheekh...

DEG DEG: Qarax ka dhacay Waddo loo Qorsheynayay in Madaxweyne Xasan Sheekh maro

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab. Qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan caasimadda ayaa sababay burbur xooggan iyo cabsi baahsan oo soo wajahday shacabka.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana uu ka dhacay meel aan ka fogeyn isgooyska Ceelgaabta, oo ah waddada laga galo Madaxtooyada Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay burbur dhisme dabaq ah oo ku yiillay goobta, taasoo muujineysa in qaraxa uu ahaa mid si weyn loo qorsheeyay.

- Advertisement -

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa durba gaaray ciidamada ammaanka oo bilaabay howlgallo baaritaan ah. Ciidamada ayaa xiray waddada, iyagoo ka hortagaya inay waxyeello kale dhacdo. Xaaladda goobta ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la arkayaa ciidamo farabadan oo ku sugan halkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay waddada uu mari lahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Sida la sheegay, qaraxu wuxuu dhacay daqiiqado kahor inta aysan gaadiidkii galbinayay madaxweynaha soo gaarin goobta. Lama oga haddii qaraxan uu la xiriiray isku day dil ama qorshe kale oo liddi ku ah ammaanka.

Markii qaraxu dhacay, waxaa durba la xiray waddada isku xirta Ceelgaabta iyo Madaxtooyada, taasoo sababtay hakad ku yimid isu socodkii magaalada. Dadkii goobta ku sugnaa ayaa kala cararay, iyagoo ka baqaya in qarax kale dhaco. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhismaha qaraxu burburiyay uu ahaa mid ganacsi, balse ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda warbaahinta la hadlaan, iyagoo faahfaahin ka bixin doona khasaaraha iyo cidda ka dambeysay qaraxan.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhacdadan, kala soco warbaahinta.

Latest stories