HomeWararDowladda Soomaaliya oo diginin adag u dirtay dadka Shacabka ah ee ku...

Dowladda Soomaaliya oo diginin adag u dirtay dadka Shacabka ah ee ku nool Jilib

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa digniin culus u dirtay shacabka ku nool degmada Jilib iyo nawaaxigeeda, iyagoo uga digaya in ay ku sugnaadaan goobaha ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, maadaama ay bartilmaameed u yihiin howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah.

Digniinta dowladda ayaa timid kadib markii ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay weerar culus ku qaadeen goobo muhiim ah oo Al-Shabaab ay ku lahayd Jilib. Weerarkan ayaa lagu gaarsiiyay kooxda khasaaro baaxad leh, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab jab xooggan kala kulantay duqeynta, iyadoo xitaa xubno ka tirsan kooxda ay si dadban u qirteen jabkaas, kadib markii ay baraha bulshada uga hadleen khasaarihii soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqa ay u direyso shacabka ku nool Jilib, iyagoo ugu yeeraya inay si degdeg ah uga fogaadaan xarumaha iyo saldhigyada ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmadaas iyo deegaanada kale ee ay ku dhuumaaleysanayaan. DFS ayaa hoosta ka xarriiqday in beegsiga kooxdan uu sii socon doono, si looga ciribtiro halista ay ku hayaan shacabka iyo nabadda dalka.

Sida ay saraakiisha ammaanka sheegeen, weerarka Jilib wuxuu qeyb ka yahay howlgallada ballaaran ee ay dowladdu kula dagaallamayso Al-Shabaab, gaar ahaan meelaha ay weli ku harsan yihiin. Xogaha la helayo ayaa muujinaya in weerarka Jilib uu ahaa mid si taxaddar leh loo fuliyay, iyadoo aan waxyeello soo gaarin dadka rayidka ah.

- Advertisement -

Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhawaan guulo waaweyn ka soo hooyay dagaalladii lagu ciribtirayay kooxda Al-Shabaab, waxaana Jilib, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee kooxda ay ku dhuumaaleysan jireen, laga dhigay bartilmaameed koowaad. Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaaday in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu sii socon doono ilaa Al-Shabaab laga ciribtiro guud ahaan dalka.

Latest stories