HomeWararTaliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeeray Saldhigyada iyo Suuqyada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeeray Saldhigyada iyo Suuqyada Muqdisho

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xalay kormeer shaqo ku sameeyay saldhigyada iyo baraha koontarool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa u kuurgalay habsami u socodka shaqooyinka ciidamada, isagoo la kulmay saraakiisha iyo askarta ku sugan goobaha hubinta, si uu u qiimeeyo diyaar-garowgooda amni.

- Advertisement -

Sidoo kale, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa booqday suuqyada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay ganacsatada iyo bulshada ka shaqeysa goobaha ganacsiga habeenkii. Wuxuu ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladooda amni iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, taliyaha ayaa bulshada ku boorriyay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska si loo adkeeyo amniga caasimadda, loogana hortago falalka amni-darro.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay xoojin doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada, si muwaadiniintu u helaan jawi ammaan ah oo ay ku ganacsadaan una fushadaan nolol-maalmeedkooda.

- Advertisement -

Latest stories