HomeWararDowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo duqeymo ka fuliyay Xarunta Al-Shabaab...

Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo duqeymo ka fuliyay Xarunta Al-Shabaab ee Jilib

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo AS ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo AS ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay dagaalamayaasha iyo horjoogayaasha kooxda, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.

- Advertisement -

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa AS oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah AS inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts