HomeWararBooliska Soomaaliya oo Ka Hadlay Askari Taraafiko ah oo Muqdisho ku dilay...

Booliska Soomaaliya oo Ka Hadlay Askari Taraafiko ah oo Muqdisho ku dilay Wade Mooto Bajaaj

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Isgoyska 4-ta Jardiin ee magaalada Muqdisho, halkaas oo askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada uu dil u geystay darawal mooto bajaaj. Afhayeenka Booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askariga dilka gaystay lasoo qabtay, islamarkaana haatan uu ku jiro gacanta laamaha amniga, halka baaritaanno dheeraad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Isgoyska 4-ta Jardiin ee magaalada Muqdisho, halkaas oo askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada uu dil u geystay darawal mooto bajaaj.

Afhayeenka Booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askariga dilka gaystay lasoo qabtay, islamarkaana haatan uu ku jiro gacanta laamaha amniga, halka baaritaanno dheeraad ah ay socdaan si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

- Advertisement -

Dhanka kale, maydka marxuumka ayaa loo gudbiyay xarunta Dambi-baarista CID, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Dilka kaddib, waxaa goobta ka dhacay bannaanbax ay dhigeen dadkii goob joogga ka ahaa falkan, kuwaas oo caro darteed burburiyay gaari ay lahaayeen Ciidanka Booliska.

Afhayeenka ayaa xusay in hay’adaha ammaanku ay ku raad joogaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaasi rabshadaha wata.

- Advertisement -

Booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan, iyagoo ballan qaaday in cadaaladda la hor keeni doono askariga dilka geystay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo ku lug leh dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts