HomeWararBooliska Soomaaliya oo Ka Hadlay Askari Taraafiko ah oo Muqdisho ku dilay...

Booliska Soomaaliya oo Ka Hadlay Askari Taraafiko ah oo Muqdisho ku dilay Wade Mooto Bajaaj

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Isgoyska 4-ta Jardiin ee magaalada Muqdisho, halkaas oo askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada uu dil u geystay darawal mooto bajaaj.

Afhayeenka Booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askariga dilka gaystay lasoo qabtay, islamarkaana haatan uu ku jiro gacanta laamaha amniga, halka baaritaanno dheeraad ah ay socdaan si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

- Advertisement -

Dhanka kale, maydka marxuumka ayaa loo gudbiyay xarunta Dambi-baarista CID, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Dilka kaddib, waxaa goobta ka dhacay bannaanbax ay dhigeen dadkii goob joogga ka ahaa falkan, kuwaas oo caro darteed burburiyay gaari ay lahaayeen Ciidanka Booliska.

Afhayeenka ayaa xusay in hay’adaha ammaanku ay ku raad joogaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaasi rabshadaha wata.

- Advertisement -

Booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan, iyagoo ballan qaaday in cadaaladda la hor keeni doono askariga dilka geystay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo ku lug leh dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Latest stories