HomeWararDagaal u Dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Daacish oo Ka Dhacay Buuraleyda...

Dagaal u Dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Daacish oo Ka Dhacay Buuraleyda Xabley

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ufayn, Bari – Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Xabley ee degmada Ufayn, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen howlgallo lagula dagaallamayo firxadka kooxdaasi. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Daacish ay isku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ufayn, Bari – Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Xabley ee degmada Ufayn, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen howlgallo lagula dagaallamayo firxadka kooxdaasi.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Daacish ay isku dayeen weerar gaadmo ah oo ay ku qaadaan ciidamada difaaca Puntland. Laakiin ciidamada dowladda ayaa si degdeg ah uga jawaabay, iyagoo dagaalkaasi ku dilay tiro ka mid ah dagaalyahannada Daacish, halka inta hartay ay baxsadeen.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in dagaalka kadib ay gacanta ku dhigeen hub fudud oo ay wateen maleeshiyaadka la dilay. Ciidamada ayaa weli wada howlgallo lagu baacsanayo firxadka baxsaday, waxaana la filayaa in saraakiisha hoggaaminaysa ay saacadaha soo socda ka bixiyaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi.

Howlgallada lagula dagaallamayo kooxaha  ee ku dhuumaalaysanaya buuraleyda gobolka Bari ayaa weli sii socda, waxaana ciidamada difaaca Puntland ay horey u ballanqaadeen in ay dagaalka ka dhanka ah Daacish sii wadi doonaan ilaa laga cirib tiro kooxahaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts