HomeWararWafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada Soomaaliyeed oo tagay dalka Turkiga

Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada Soomaaliyeed oo tagay dalka Turkiga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada iyo Doktoriinka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha Taliska ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tagay dalka Turkiga. Ujeedka safarkaan ayaa ahaa xoojinta iyo horumarinta aqoonta tababarada Ciidamada, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo diyaarinayo hanaan casri ah oo la jaanqaadi kara nidaamyada iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada iyo Doktoriinka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha Taliska ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tagay dalka Turkiga.

Ujeedka safarkaan ayaa ahaa xoojinta iyo horumarinta aqoonta tababarada Ciidamada, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo diyaarinayo hanaan casri ah oo la jaanqaadi kara nidaamyada iyo xeeladaha cusub ee Ciidamada Caalamka.

- Advertisement -

Intii uu waftigu ku sugnaa Turkiga, waxay booqdeen xarumo tababar oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Talisyada tababarka ee Ciidanka Dhulka, Kulliyadda Layliga Saraakiisha, Dugsiyada Madaafiicda & Gantaalaha, Dugsiga Isgaarsiinta, Xarunta Carbisyada Ciidanka, Dugsiga Tababarka Ciidamada Gaarka ah & Dallaayadaha (Special Forces & Airborne Training School) iyo Dugsiga Tababarka Komaandooska.

Kulamo ay waftigu la qaateen saraakiisha Turkiga ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca tababarka, sare u qaadidda tayada Ciidamada iyo la jaanqaadidda hababka casriga ah ee dhismaha iyo howlgalinta Ciidanka.

- Advertisement -

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts