HomeWararSaraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheegay inay dileen Dagaalamayaal badan oo AS ah

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheegay inay dileen Dagaalamayaal badan oo AS ah

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ayaa saakay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Beerayabaal iyo Aboorey, oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkii dhacay lagu dilay tiro badan oo ka tirsan dagaalamayaasha AS, iyadoo sidoo kale la gacanta lagu dhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay kooxdu ku howlgalaysay.

- Advertisement -

Ciidamada Qaranka oo feejigan ayaa waaberigii hore fashiliyay weerar ay AS kusoo qaadeen goobaha ay saakay howlgalladu ka dhaceen. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidanku ku daba jiraan firxadkii dagaalamayaashii ka badbaaday dagaalka, iyagoo baaritaanno ka wada dhulka howdka ah ee ku teedsan wabiga Shabeelle.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa tilmaamay in jabkii ugu cuslaa la gaarsiiyay AS, isla markaana lagu burburiyay qorshayaashoodii ay doonayeen inay fuliyaan. Waxay intaas ku dareen in faahfaahinta rasmiga ah ee khasaaraha la gaarsiiyay dagaalamayaasha ay bulshada la wadaagi doonaan goordhow.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah AS, iyadoo ciidamada huwanta ee iskaashanaya ay guulo wax ku ool ah ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha AS iyo Daacish.

Latest stories