HomeWararPuntland: 10,000 Qoys oo Ka Barakacay Dagaalka Ka Socda Buuraleyda Cal Miskaad

Puntland: 10,000 Qoys oo Ka Barakacay Dagaalka Ka Socda Buuraleyda Cal Miskaad

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Cal Miskaad uu sababay barakaca ku dhawaad 10,000 qoys oo ka soo cararay goobaha lagu dagaallamayo. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay kooxda Daacish in ay caburin iyo barakac ba’an ku hayso dadka deegaanka, iyagoo […]

- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Cal Miskaad uu sababay barakaca ku dhawaad 10,000 qoys oo ka soo cararay goobaha lagu dagaallamayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay kooxda Daacish in ay caburin iyo barakac ba’an ku hayso dadka deegaanka, iyagoo sheegay in kooxdu si khasab ah uga rarayso dadkii ku noolaa deegaannada hoos yimaada buuraleyda Bari.

- Advertisement -

Sida ay Puntland sheegtay, qoysaska barakacay ayaa hadda ku sugan deegaanno nabdoon oo ka tirsan gobolka Bari, halkaas oo loo sameeyay gargaar degdeg ah. Dowladda ayaa xustay in ay dadaal ku bixinayso sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa kaalmo iyo hoy ku-meel-gaar ah.

“Ururka Daacish wuxuu galaaftay noloshii dad badan oo aan waxba galabsan, wuxuuna sababay barakac baahsan. Dadkaas hadda waxay ku sugan yihiin goobo nabdoon oo ay dowladdu ku dadaalayso in la gaarsiiyo gargaar degdeg ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay mas’uuliyiinta Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dagaal ka dhan ah kooxda Daacish oo ku xooggan buuraleyda Cal Miskaad. Hawlgalladan oo ujeedkoodu yahay ciribtirka kooxda ayaa la filayaa in ay sii socdaan, iyadoo ay dowladda Puntland horey u sheegtay in aysan marnaba ogolaan doonin in kooxaha argagixisadu gabaad ka dhigtaan deegaannada Puntland.

- Advertisement -

 

Latest stories