HomeWararGuddoomiyaha (SoDMA) oo kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas

Guddoomiyaha (SoDMA) oo kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kuwait, Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas ee Kuwait, Dr. Khaled Mohammed Al-Mughmas. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA uu warbixin ka siiyay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kuwait, Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas ee Kuwait, Dr. Khaled Mohammed Al-Mughmas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA uu warbixin ka siiyay Madaxa Ururka Bisha Cas xaaladda banii’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u xusay walaaca laga qabo abaar ka dhalata roob-yaraantii xilliga Deyrta 2024 iyo odoroska muujinaya in roobabka Gu’ga ee 2025 ay ka yaraadaan inta la filayo. Sidaa darteedna loo baahanyahay in la helo gurmad degdeg ah si looga hortago saameynta ay keeni karaan duruufahaas.

- Advertisement -

Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa kala hadlay Ururka Bisha Cas ee Kuwait sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu hirgelinayo mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo qorshayaal lagu xoojinayo ka soo kabashada musiibooyinka. Waxaa la isla falanqeeyay muhiimadda ay leedahay qodista ceelal, dhismaha waro biyaha lagu keydiyo, iyo xal u helidda barakacyaasha ku baahsan dalka Soomaaliya.

Latest stories