HomeWararKulan dhex maray SoDMA iyo Hay’adda Qaramada Midoobay

Kulan dhex maray SoDMA iyo Hay’adda Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan dhex maray Hay’adda SoDMA iyo qaar ka mid ah Hay’adaha QM ee ka howlgala Soomaaliya, sida; WFP, FAO, UNICEF, IOM, UNFPA, UN Women, UNHCR, UNDP iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan dhex maray Hay’adda SoDMA iyo qaar ka mid ah Hay’adaha QM ee ka howlgala Soomaaliya, sida; WFP, FAO, UNICEF, IOM, UNFPA, UN Women, UNHCR, UNDP iyo UNOCHA.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa looga hadlay is-waafajinta qorshayaasha hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada barnaamijyada lagu dhisayo adkaysiga bulshada iyo awoodaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maareynta musiibooyinka.

- Advertisement -

Dhinacyada ayaa isku raacay xoojinta wada shaqeynta iyo in la dhiirrigaliyo dhaqan-galka qorshayaasha ku aaddan hormarinta karaanka iyo aqoonta Hay’adaha dowlaadda, si ay isku filnaansho iyo awood dhammeystiran u gaaraan.

Ugu dambeyn; shirka waxaa lagu heshiiyay in uu noqdo mid la qabto afartii biloodba mar si loo xaqiijiyo isu-duwid dhammeystiran iyo wada shaqeyn ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee ku lugta leh howl-gallada arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts