HomeWararLos Angeles oo gubanaysa maalintii 7aad iyo khasaaraha oo kordhay

Los Angeles oo gubanaysa maalintii 7aad iyo khasaaraha oo kordhay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Kooxaha dab-damiska ayaa si dar dar leh Axaddii shalay ilaa xalay u sii waday la dagaallanka dab xoog leh oo muddo lix maalin oo xiriir ah ka socda qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles, gobolka California ee dalkaan Mareykanka.

Dab-damiska ayaa xoogga saaraya laba dab oo waaweyn oo ka ololaya galbeedka iyo bariga, ka hor inta aysan billaaban dabeylo laga cabsi qabo in ay uga sii daraan ololka dabka hadda socda.

- Advertisement -

Dabka oo maanta oo Isniin ah galay maalinti todobaad, ayuu guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom Axaddii sheegay in ugu yaraan ay ku dhinteen 24 qof. Wuxuu intaasi ku daray in kumannaan guri ay basbeeleen, halka 100,000 oo qof ay barakaceen.

Xaafadaha uu dabka baab’iyay ayaa waxaa ku jiray kuwo ay ku yaalleen guryo ay daganaayeen dad hodon ahaa. Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa 12,000 oo guri ay gubteen.

Latest stories