HomeWararCiidamada Puntland oo Howlgallo Culus Ku Qaaday Daacish iyo Al-Shabaab

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Culus Ku Qaaday Daacish iyo Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa mar kale dardargelisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo ay ciidamada difaaca Puntland fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ka dhacay buuraleyda gobolka Bari. Hawlgalladaasi, oo si gaar ah uga dhacay buuraleyda Calmiskaad, ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay kooxahaasi ku sugnaayeen. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ayaa sheegay in lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa mar kale dardargelisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo ay ciidamada difaaca Puntland fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ka dhacay buuraleyda gobolka Bari.

Hawlgalladaasi, oo si gaar ah uga dhacay buuraleyda Calmiskaad, ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay kooxahaasi ku sugnaayeen.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ayaa sheegay in lagu guuleystay burburinta xarumo muhiim ah oo ay kooxaha Daacish ku lahaayeen Calmiskaad, oo ay ku jiraan:

Keydkii guud ee raashinka oo muhiim u ahaa saadka kooxda, Xarun caafimaad oo ay u adeegsadeen daryeelka dhaawacyada iyo howlaha caafimaadka, Taliskii guud ee tababarada Daacish.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in hawlgalka lagu dilay dagaalyahanno badan oo ka tirsan Daacish, iyagoo tilmaamay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen goobaha muhiimka ah ee kooxda.

- Advertisement -

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ee ka dhanka ah Kooxaha ku sugan Buuraha, waxaana saraakiishu ballanqaadeen inay sii laba-jibaarayaan weerarada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab.

Dagaallo culus oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland iyo Daacish ayaa dhowaan ka dhacay deegaanka Buug ee gobolka Bari. Puntland ayaa hore u caddeysay in dagaalka ka dhanka ah kooxahan uusan istaagi doonin ilaa laga sugo nabad buuxda iyo ciribtirka argagixisada.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts