HomeWararMalleyshiyaad kasoo kala Jeeda Galmudug iyo Puntland oo dagaalamaya Galbeedka Mudug

Malleyshiyaad kasoo kala Jeeda Galmudug iyo Puntland oo dagaalamaya Galbeedka Mudug

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka bilaawday degaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug ayaa wali kasii socda, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in diryanka hubka laga maqlayo degaanno badan oo ku dhow halka lagu dagaalamayo. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka uu u dhaxeeyo maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland, kuwaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka bilaawday degaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug ayaa wali kasii socda, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in diryanka hubka laga maqlayo degaanno badan oo ku dhow halka lagu dagaalamayo.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka uu u dhaxeeyo maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa dhul daaqsimeed ay ku yaallaan xuduudaha labada maamul.

- Advertisement -

Dagaalkan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan weli la xaqiijin. Ilo deegaanka ka ag dhow ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus, taas oo sii murjisay xaaladda.

Xiisadda dagaalka oo soo jiitameysay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa inta badan salka ku haysay arrimaha dhul daaqsimeedka. Inkastoo heshiisyo xabad-joojin ah oo ay horay u dhex-dhexaadiyeen masuuliyiin ka tirsan maamullada iyo odayaasha dhaqanka la isku dayay, haddana ma suurtoobin in xal waara laga gaaro colaadda taagan.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalka uu ku fido degaanno kale, iyadoo haween iyo carruur badan ay ku go’doonsan yihiin goobaha lagu dagaalamayo. Dadaallo xal raadin ah ayaan illaa iyo hadda wax guul ah ka gaarin.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta labada dhinac weli kama aysan hadlin dagaalka saaka ka qarxay Jiicboor, hase yeeshee baaqyo nabadeed ayaa la filayaa in ay soo saaraan odayaasha dhaqanka iyo culimada si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.

Wixii warar ah ee ku soo kordha, waan idinla socodsiin doonaa.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts