HomeWararMalleyshiyaad kasoo kala Jeeda Galmudug iyo Puntland oo dagaalamaya Galbeedka Mudug

Malleyshiyaad kasoo kala Jeeda Galmudug iyo Puntland oo dagaalamaya Galbeedka Mudug

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka bilaawday degaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug ayaa wali kasii socda, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in diryanka hubka laga maqlayo degaanno badan oo ku dhow halka lagu dagaalamayo. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka uu u dhaxeeyo maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland, kuwaas […]

- Advertisement -

Dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka bilaawday degaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug ayaa wali kasii socda, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in diryanka hubka laga maqlayo degaanno badan oo ku dhow halka lagu dagaalamayo.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka uu u dhaxeeyo maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa dhul daaqsimeed ay ku yaallaan xuduudaha labada maamul.

- Advertisement -

Dagaalkan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan weli la xaqiijin. Ilo deegaanka ka ag dhow ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus, taas oo sii murjisay xaaladda.

Xiisadda dagaalka oo soo jiitameysay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa inta badan salka ku haysay arrimaha dhul daaqsimeedka. Inkastoo heshiisyo xabad-joojin ah oo ay horay u dhex-dhexaadiyeen masuuliyiin ka tirsan maamullada iyo odayaasha dhaqanka la isku dayay, haddana ma suurtoobin in xal waara laga gaaro colaadda taagan.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalka uu ku fido degaanno kale, iyadoo haween iyo carruur badan ay ku go’doonsan yihiin goobaha lagu dagaalamayo. Dadaallo xal raadin ah ayaan illaa iyo hadda wax guul ah ka gaarin.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta labada dhinac weli kama aysan hadlin dagaalka saaka ka qarxay Jiicboor, hase yeeshee baaqyo nabadeed ayaa la filayaa in ay soo saaraan odayaasha dhaqanka iyo culimada si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.

Wixii warar ah ee ku soo kordha, waan idinla socodsiin doonaa.

 

 

Latest stories