HomeWarar69 qof oo ku geeriyooday markab muhaajiriin siday oo ku dagay xeebaha...

69 qof oo ku geeriyooday markab muhaajiriin siday oo ku dagay xeebaha Moroco

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay oo 25 ka mid ah u dhasheen Mali kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Morocco sidaasina waxaa xaqiijiyay dowladda Mali. Doonta waxaa sarnaa rakaab gaaraya 80 qof, waxaana ka badbaaday 11 qof sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowlada Mali. 9 […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay oo 25 ka mid ah u dhasheen Mali kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Morocco sidaasina waxaa xaqiijiyay dowladda Mali.

Doonta waxaa sarnaa rakaab gaaraya 80 qof, waxaana ka badbaaday 11 qof sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowlada Mali. 9 ka mid ah dadka la soo badbaadiyay waxay u dhasheen Mali.

- Advertisement -

Doonta ayaa badda ku degtay toddobaadkii la soo dhaafay balse dowladda Mali waxay xaqiijisay shilkan shalay oo khamiis aheyd. Koox gurmadka degdega ah ayaa loo diray si ay xaalada ula socdaan

Shaqo la’aanta iyo saameynta isbeddelka cimilada ay ku keentay beeraha ayaa ku qasbay dadka in ay nolol fiican ka raadsadaan Yurub.

Jidka muhaajiriinta oo ka soo bilowda xeebaha Mauritania oo la sii maro Morocco sidaasna lagu gaaro Spain ayaa loo arkaa in uu yahay jidka ugu khatarsan adduunka.

- Advertisement -

Waxaa si weyn u kordhay tirada dadka maraya jidka Atlantica si ay Yurub u gaaraan. Toddobaadkan ayey hay’ad gargaar sheegtay in tiro ka badan 10 kun ay sanadkan dhinteen iyagoo isku dayaya in doon ku gaaraan Spain.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts