HomeWararDawladda Soomaaliya oo Shaacisay in Itoobiya ay dishay Askar Ka tirsan Ciidanka...

Dawladda Soomaaliya oo Shaacisay in Itoobiya ay dishay Askar Ka tirsan Ciidanka Xooga 

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya. Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo. Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.

Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.

- Advertisement -

Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.

Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga.

- Advertisement -

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad-ku-wada-noolaanshaha. Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa inaysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madaxbannaanida Soomaaliya.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts