HomeWararSoomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay Natiijadii Shirkii Ankara

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay Natiijadii Shirkii Ankara

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wadaagtay Dowladda Masar natiijada wad-hadalladii saddex geesoodka ee Turkiga, Soomaaliya, iyo Itoobiya, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Fiqi, iyo dhiggiisa Masaarida, Badar Abdelatty, ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay natiijadii ka soo baxday shirkii Ankara ee dhexmaray hogaamiyeyaasha dalalkaasi.

- Advertisement -

Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadalay qorsheyaasha iyo u diyaar-garowga Madasha Masar, Soomaaliya, iyo Eriteriya, oo dib loo qaban doono. Shirkan ayaa muhiim u ah xoojinta xiriirka saddexda dal, gaar ahaan marka loo eego xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya, taas oo weli jirta.

Dowladda Masar, oo muddo dheer xiriir dhow la lahayd Soomaaliya, ayaa xiisad xooggan kala dhexeysaa Itoobiya. Si kastaba, in kasta oo Masar ay Soomaaliya si weyn u taageerto, haddana xaaladda hadda ayaa muujinaysa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhowaan isku soo dhawaadaan.

Heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen madaxweynayaasha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro xiisaddii siyaasadeed ee soo noq-noqotay ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo dhabar jabi ka geystay xal u helidda khilaafka labada dal.

- Advertisement -

Tani waxay muujinaysaa isbedelada siyaasadeed ee gobolka iyo sida loo doonayo in xal loo helo arrimaha ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, ganacsiga, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Latest stories