HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka. Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, iyadoo ay ka qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha […]

- Advertisement -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka.
Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, iyadoo ay ka qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka .
Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM .
Sidoo kale, shirka waxaa lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa Guddigu waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts