HomeWararDagaalka Somaliland iyo SSC Khaatumo oo galay maalintiisii 3aad iyo Xaalado oo...

Dagaalka Somaliland iyo SSC Khaatumo oo galay maalintiisii 3aad iyo Xaalado oo Cakiran

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dagaal qaraar oo saacado badan socday oo galay maalintiisii saddexaad, ayaa ka socdaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, oo ah xarunta gobolkaasi. Dagaalkan, oo u dhexeeya ciidamadii SSC Khaatumo iyo kuwa Somaliland, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la soo sheegay in xaaladda magaalada ay noqotay mid aad u cakiran. Muuqaallo argagax leh ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal qaraar oo saacado badan socday oo galay maalintiisii saddexaad, ayaa ka socdaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, oo ah xarunta gobolkaasi. Dagaalkan, oo u dhexeeya ciidamadii SSC Khaatumo iyo kuwa Somaliland, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la soo sheegay in xaaladda magaalada ay noqotay mid aad u cakiran.

Muuqaallo argagax leh ayaa laga soo duubay gudaha magaalada Ceerigaabo, iyadoo hoobiyeyaal xooggan si aan kala joogsi lahayn loogu garaacay xaafado ka mid ah magaalada, taasoo sababtay burbur ballaaran.

- Advertisement -

Dagaalku wuxuu dhacay xilli magaalada ay ku sugnaayeen dad rayid ah, kuwaas oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeymaha iyo weerarada tooska ah ee ka dhacay.

Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaalkaasi, iyagoo ku doodayo in ay yihiin kuwa xaq u leh maamulka gobolka. Xaaladda ayaa noqotay mid adag, iyadoo labada dhinac ay dagaalkooda ku saleynayaan rabitaankooda siyaasadeed iyo awoodda militari, iyo sidoo kale lahaanshaha degaanka.

Ciidamada maamulka SSC Khaatumo ayaa la sheegay inay qabsadeen qaybo badan oo ka mid ah magaalada Ceerigaabo, waxaana muuqaal laga soo duubay ciidankaas oo muujinaya inay ku sugan yihiin kontoroolka muhiimka ah ee magaalada.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, SSC Khaatumo ayaa sheegatay inay gacanta ku hayaan goobaha muhiimka ah ee magaalada, iyadoo sidoo kale la tilmaamayo in ciidamada Somaliland ay isku dayayaan inay iska difaacaan.

Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa noqotay mid ka sii daraysa, iyadoo dagaalka uu sababay barakac weyn oo ka dhacay xaafadaha qaar ee magaalada. Dad badan oo shacab ah ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan guryahooda, iyadoo dhibaatooyin naf iyo maal ah ay ka soo gaareen dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts