- Advertisement -
Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa daah furay Carwada, soo bandhigida, dabaaldega dhaqanka iyo ganasiga Soomaalida kaas oo lagu qabtay magaalo xeebeedka, Mombasa.
Danjiraha Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan maamulka gobolka Mombasa , hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qayb galay casho sharaftii lagu daahfuraayay Firi Festival , laguna qabtay hotelka Blue Sky.
Qabashada Carwada iyo bandhiga ganacsiga Soomaalida ee Firi-Festival waxay ka marag kacaysaa quruxda iyo qaninimada dhaqanka dadka Soomaalida, wax a ay sidoo kale muujinaysaa kaalinta wax ku oolka ah oo ay dadka Soomalida ka qaateen dhismaha iyo horumarka wadamada ku yaala Bariga Afrika.
“Waxa Sharaf u ah dadka Soomaalida inay soo bandhigaan dhaqakooda cududooda ganacsi ay ku leeyihiin dalka Kenya, isla markaana la wadaagaan shuucbta kale horumarka ay sameeyeen”, ayuu yiri Danjire Jabril
Bandhiga oo maanta galay maalintiisii labaad ayaa waxaa u soo daawasho iyo ka dukaameysi u tagay goobta bandhiga kumanaan kamida dadka ku dhaqan magalaada Mombasa.
Bandhjgaan ayaa ka socda goobta lagu magacaabo, Mama Ngina Waterfront Park ee Magaalada Mombasa.
