HomeWararMagaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo saaka doorasho looga dareeray

Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo saaka doorasho looga dareeray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Deegaanka Somaliland ayaa maanta u dareeray doorashada madaxtinnimada maamulkaasi, oo sanadkan xiiso gaar ah iyo saameyn ballaaran ku leh bulshada. Waddooyinka magaalooyinka waa weyn sida Berbera, Boorama, Burco, iyo Gabiley ayaa lagu arkayaa dadweynaha oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen. Dadka reer Somaliland ayaa goor hore oo saakay ah u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Deegaanka Somaliland ayaa maanta u dareeray doorashada madaxtinnimada maamulkaasi, oo sanadkan xiiso gaar ah iyo saameyn ballaaran ku leh bulshada.

Waddooyinka magaalooyinka waa weyn sida Berbera, Boorama, Burco, iyo Gabiley ayaa lagu arkayaa dadweynaha oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen. Dadka reer Somaliland ayaa goor hore oo saakay ah u istaagay inay ka qeyb qaataan doorashada, iyagoo muujinaya xamaasadda iyo rajada laga qabo isbedelka siyaasadeed ee ka hirgala.

- Advertisement -

Seddex Xisbi oo waa weyn ayaa tartamaya, oo uu ugu horreeyo Kulmiye, oo uu u taagan yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa sidoo kale la loolamaya laba xisbi oo kale oo siyaasad ahaan miisaan culus leh, kuwaas oo kala ah Xisbiga Waddani oo uu musharrax u yahay Cabdiraxmaan Cirro – oo ah musharraxa ugu cadcad mucaaradka – iyo Xisbiga Kaah.

Tartankan ayaa wadooyinka magaalada ka dhigay kuwa saxmad iyo firfircooni ku jirta, iyada oo ay dad badan sugayaan inay marag ka noqdaan natiijada doorashadan muhiimka ah.

Amniga goobaha doorashada ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo ciidamo gaar ah loo diyaariyey goobaha codbixinta si loo hubiyo nabadgelyada.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta saddexda xisbi ee tartamaya ayaa shacabka ugu baaqay inay si nabad ah codkooda u dhiibtaan, iyagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay nabaddu u leedahay hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa horey u bogaadisay nidaamka doorashooyinka Somaliland, taasoo lagu tilmaamay tillaabo horumarineed oo ku dayasho mudan. Doorashadan ayaa la filayaa inay dhammaystirto hab-raacyadii loo dejiyey, iyada oo laga rajeynayo natiijo cad oo muujinaysa rabitaanka shacabka Somaliland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts