HomeWararXisbullah oo weeraro gantaallo ah ku qaaday Gumaystaha Yahuuda.

Xisbullah oo weeraro gantaallo ah ku qaaday Gumaystaha Yahuuda.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wax ay ku tilmaameen “wajigii koowaad” ee weerarka cirka ah ee lagu qaaday Israa’iil “iyadoo si buuxda loogu guuleystay.” sida ay kooxdu sheegtay. Ururka Xisbullah ayaa sheegay in in ka badan 320 gantaal ay ku rideen dhanka Israa’iil saaka. Bayaan ay soo saartay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wax ay ku tilmaameen “wajigii koowaad” ee weerarka cirka ah ee lagu qaaday Israa’iil “iyadoo si buuxda loogu guuleystay.” sida ay kooxdu sheegtay.
Ururka Xisbullah ayaa sheegay in in ka badan 320 gantaal ay ku rideen dhanka Israa’iil saaka.

Bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto ee Lubnaan ayay ku sheegtay inay 11 goobood oo militari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil ay la beegsatay boqollaal gantaallada Katyusha ah.
“Waa wajigii lagu beegsan lahaa xeryaha Israa’iil iyo goobaha,” ayay kooxdu tiri – iyadoo intaas ku dartay inay dib ka soo saari doonto faahfaahin dheeraad ah.

- Advertisement -

Xisbullah ayaa xaqiijisay inay weerarkeeda ku billowday maanta oo axada mowjado gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ahayd sida ay sheegeen dilkii taliyihii ugu sarreeyay ee Fu’aad Shukr oo bishii hore lagu dilay Beyruut..
Kooxda fadhigeedu yahay Lubnaan ayaa sheegtay in ay bartilmaansatay “bartilmaameed gaar ah oo millatari iyo sidoo kale goobaha difaaca gantaallaha ah ee Israa’iil iyo goobo kale balse jawaabta buuxda ay qaadan doonto waqti”.
“Ciqaabtu waxay noqon doontaa mid aad u darran oo adag,” ayay ku tiri bayaanka Xisbullah.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqaynayaan bartilmaameedyada ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib markii ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyo gantaallo ah iyo sawaariiq la doonayey in lagu garaaco Israa’iil
Afhayeenka ciidanka difaaca Israa’iil ee IDF, Daniel Hagari, ayaa isagoo ka hadlayey duqaynta ay fuliyeen waxaa uu sheegay
“Ficil is-difaac ah oo meesha looga saarayo khatarahaas, IDF (Ciidanka Difaaca Israa’iil) waxay duqaynaysaa bartilmaameedyo argagixisanimo,”
Israa’iill ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ee Lubnaan looga digay inay si deg deg ah uga baxaan goobaha ay ka howlgalaan kooxda Xisbullah oo ah koox ay Iran taageerto.
Gudaha Israa’iil gaar ahaan jihada waqooyi waxaa ka yeeray dhawaqa digniinta gantaallada ubaxnimadii hore ee maanta oo Axadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts