HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo Labo Sano Jirsatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo Labo Sano Jirsatay.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda sannadlaha ah ee lagu soo bandhigayo waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo haatan labo sano jirsatay. Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa diiradda lagu saaray guulaha ay xukuumaddu gaartay iyo horumarka ay ku tallaabsatay muddadii ay xilka haysay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda sannadlaha ah ee lagu soo bandhigayo waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo haatan labo sano jirsatay. Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa diiradda lagu saaray guulaha ay xukuumaddu gaartay iyo horumarka ay ku tallaabsatay muddadii ay xilka haysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu madasha ka jeediyay ku bogaadiyay waxqabadka Xukuumadda, isaga oo xusay in dadaalka ay ku bixiyeen xoreynta deegaannada ku jiray gacanta AS, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta maalgashiga, iyo dib u habaynta dowladnimada ay yihiin guulo muuqda oo shacabka Soomaaliyeed ku faani karaan.

- Advertisement -

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka uu ku tallaabsanayo isbeddello horumarineed oo si dhakhso ah la dareemi doono, kuwaas oo saldhig u yihiin dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda iyo wadashaqaynta Hay’adaha dowladda. Isagoo ballan qaaday in labada sano ee soo socota ay ka duwanaan doonaan kuwii la soo dhaafay, ayuu ku wargeliyay in la hirgelin doono mashaariic waaweyn oo dheeraad ah.

Intii ay socotay munaasabadda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dhagaystay warbixinno faahfaahsan oo ay soo bandhigeen Wasiirrada Golaha Xukuumadda, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay horumarka la gaaray iyo qorsheyaasha hortabinta leh ee lagu wado in la fuliyo mustaqbalka dhow.

- Advertisement -

Munaasabaddan ayaa soo gebogebaysay labo sano oo waxqabad ballaaran leh oo ay Xukuumadda DanQaran ku tallaabsatay, iyadoo la filayo in horumarinta dalka iyo adeegyada bulshada la sii xoojiyo sanadaha soo socda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts