HomeWararQaraxyo Waaweyn oo Ka Dhacay Ceelasha Biyaha ee magaalada Muqdisho

Qaraxyo Waaweyn oo Ka Dhacay Ceelasha Biyaha ee magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Qaraxyadan, oo ahaa kuwo is xig-xigay, ayaa lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waaweyn ee deegaankaasi, iyagoo sababay burbur xooggan oo gaaray ganacsiyada. Goobaha ganacsiga ee qaraxyadu saameeyeen ayaa intooda badan dab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Qaraxyadan, oo ahaa kuwo is xig-xigay, ayaa lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waaweyn ee deegaankaasi, iyagoo sababay burbur xooggan oo gaaray ganacsiyada.

Goobaha ganacsiga ee qaraxyadu saameeyeen ayaa intooda badan dab qabsaday, taasoo keentay in ganacsiyo badan ay gabi ahaanba gubtaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii lagu amray inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV.

- Advertisement -

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay goobta ku sugan yihiin, iyagoo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi. Qaraxyadan ayaa imanaya xilli dhowaan deegaanka Ceelasha Biyaha ay ka dhaceen weerarro kale oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.Faahfaahin dheeraad ah ayaa la sugayaa, iyadoo xaaladda amni ee halkaasi weli kacsan tahay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts