HomeWararIsra’il oo sheegtay in ay dishay Maxamed Deyf

Isra’il oo sheegtay in ay dishay Maxamed Deyf

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Millatariga Isra’il ayaa Khamiisti shalay sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay bishi hore ku bartilmaameedsadeen batamaha Gaza ay ku dileen Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas. Warkan ayaa imanaya maalin kaddib marki magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu khaarijiyay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismacil Haniyah. Bayaan kasoo baxay millatariga Isra’il […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Millatariga Isra’il ayaa Khamiisti shalay sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay bishi hore ku bartilmaameedsadeen batamaha Gaza ay ku dileen Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas.

Warkan ayaa imanaya maalin kaddib marki magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu khaarijiyay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismacil Haniyah.

- Advertisement -

Bayaan kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in qiimeyn dhanka sirdoonka ah ay ku ogaadeen, in Maxamed Deyf uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Isra’il ka fuliyeen aagga magaalada Khan Younis 13-ki bishi July.

Isra’il waxay ku eedeysay Deyf in uu ahaa maskaxdi ka danbeysay weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore. Weerarkaas oo ay Isra’il sheegtay in looga dilay ilaa 1,200 oo qof, sidoo kalana ay Xamaas ku soo afduubatay boqollaal kale oo Isra’iiliyiin ah.

Xamas wali ma xaqiijin mana beenin dilka madaxii garabka millatariga, Maxamed Deyf.Duqeynti ay Isra’il ku sheegtay in ay ku dishay sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts