HomeWararAkhriso:- Dagaal khasaare badan dhaliyay oo Saaka ka Qarxay degaano Hoos yimaada...

Akhriso:- Dagaal khasaare badan dhaliyay oo Saaka ka Qarxay degaano Hoos yimaada Afmadow

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Faah faahinno dheeeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Goboleedka Jubbaland, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan dagaalada degaanadaasi ka dhacay saaacadihii lasoo dhaafay. Wararka naga soo gaaraya degaanno hoos yimaada degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahinno dheeeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Goboleedka Jubbaland, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan dagaalada degaanadaasi ka dhacay saaacadihii lasoo dhaafay.

Wararka naga soo gaaraya degaanno hoos yimaada degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose ayaa ku warramaya in saaka degaanadaasi ay ku waaberiisteen daryanka madaafiiicda ay isku adeegsanayeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka oo isku dhinac ah iyo dagaalamaayasha AL-Shabaab.

- Advertisement -

Dagaalka Xooggiisa ayaa si xooggan kaga qarxay degaanka Harboole, waxaana saaka halkaasi ka dhacay dagaal gaystyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka degaanka ay soo sheegeen in dagaalku uu ahaa mid xooggan, oo ay maqlayeen jugta dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegaanyeen labada dhinac.

Dagaalka saaka ayaa ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Harboole ee Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana saraakiisha Ciidanka dowladdu ay sheeegeen inay ka hor tageen oo ay fashiliyeen weerarka ay soo qaadeen AS.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Dowadda ee horkacayay dagaalka ayaa warbaahinta u sheeay inay guulo ka gaareen, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen dagaalamaayasha AS, waxaana intaas ay ku dareen in hada ay wadaan howgallo kale oo degaano badan looga saarayo As.

- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay degaanada hoos yimaada Afmadow waxaa ka socday dhaqdhaaqyo Ciidanan, waxaana xusid mudan in dagaal kale oo u dhexeeya Ciidanka Dowadda iyo AS uu ka dhacay degaanka Buuloxaaji.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts