- Advertisement -
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey in uusan xilka madaxweynenimada u tartami doonin ee doorashadda dalka ka dhici doonta bisha november ee soo socota.
Madaxwyne Joe Biden ayaa in Muddo ah laga codsaneyey in uu arrinka shaaciyey kaddib markii culeyso kala duwan uga yimaadeen xubnaha xisbiga dimuqraadiga ee uu ka tirsanyahay iyo khaladaad dhowr ah oo uu galay iyo weji gabixii ama ceebtii uu kala soo kulmey dooddii dhexmartey isaga iyo Donald Trump.
Madaxweyne Joe Biden ayaa sidoo kale galay khaladaad dhowr ah xilli uu shir jaraa’id ku qabtey aqalka ee looga taliyo dalka Mareykanka taasoo shaki gelisey awooddiisa in uu dalka sii maamuli karo Balse Joe Biden ayaa isagu sheegay Marka laga tago inuusan tartarkan ka qeyb galidoonin in uu weli awooddo in uu xilka si hufan u sii wado tan iyo xilliga uu xilkiisu ku egyahay.
Hadalkan ka soo yeedhey madaxwyne Biden ayaa ahaa mid ay in muddo ah sugayeen mas’uuliyiinta xisbiga dimuqraadiga ee ka tirantahay.
Xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa looga fadhiyaa in ay soo xulaan musharrax beddeli doona Joe Biden ee loolanka adag la geli doonaa Donald Trump oo isagu si rasmi ah u noqdey musharrax xisbiga Jamhuuriga ee doorashadda dhici doonta bish November ee soo socota.
Haddaba labada musharax ee ugu cad cad lana filayo in ay Joe Biden beddeli doonaan ayaa kala ah guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom iyo haweeneyda hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalka ee Kamala Harris.
Balse waxaa ka sugaaba waa mid labadaas noqda musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee wejihi doona Donald Trump oo carcartiisu aad u soo badatey tan iyo markii uu ka badbaadey shirqoolkii lagu dooneyey in lagu khaarajiyo ee ka dhacay magaalada Bustler ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka…
