HomeWararXuutiyiinta oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Weerarada Israa’iil una Hanjabay Dowladaha Carabta

Xuutiyiinta oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Weerarada Israa’iil una Hanjabay Dowladaha Carabta

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa jawaab adag ka bixiyey weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin, iyagoo sidoo kale hanjabaado culus u diray qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Bayaan ay soo saareen, Xuutiyiinta ayaa si kulul u cambaareeyey weerarada Israa’iil iyagoo ku tilmaamay “falal gardarro ah oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin.” […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa jawaab adag ka bixiyey weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin, iyagoo sidoo kale hanjabaado culus u diray qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Bayaan ay soo saareen, Xuutiyiinta ayaa si kulul u cambaareeyey weerarada Israa’iil iyagoo ku tilmaamay “falal gardarro ah oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin.”

Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay in haddii weerarada Israa’iil aysan joogsan, ay qaadi doonaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah danaha Israa’iil ee gobolka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen qaar ka mid ah dowladaha Carabta inay ku lug leeyihiin xasuuqa loo geysanayo Falastiiniyiinta,.

- Advertisement -

Kooxda Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan taageeradooda dhanka hubka iyo maalgelinta ee ay siinayaan kooxaha iska caabinta Falastiin, iyagoo balanqaaday inaysan marnaba ka tanaasuli doonin difaaca qadiyadda Falastiin.

Hanjabaadan ayaa imanaysa xilli xiisaddu ay cirka isku sii shareertay kadib markii Xuutiyiintu weerareen caasimadda Israa’iil, taasi oo keentay in Israa’iil ay ka jawaabto duqeyntaas. Kooxdan yar ayaa laf dhuun gashay ku noqotay reer galbeedka. Dowladaha Carabta ayaa weli ka hadlin hanjabaadaha Xuutiyiinta, balse falcelinta laga sugayo ayaa lagu qiimeyn doonaa saameynta ay yeelan karto oo ah mid sareysa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts