HomeWararGo'aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Go’aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Odayaasha Dhaqanka ee labada Beelood, Sacad iyo Leelkase, ayaa soo saaray qodobo dhammeystir u ah nabadaynta colaaddii Galbeedka Mudug. Go’aannadan ayaa loogu talagalay in ay soo afjaraan colaadda ayna horseedaan nabad waarta oo ka dhaqan gasha galbeedka gobolka Mudug. Fulinta iyo ilaalinta qodobadan waxay keeni […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Odayaasha Dhaqanka ee labada Beelood, Sacad iyo Leelkase, ayaa soo saaray qodobo dhammeystir u ah nabadaynta colaaddii Galbeedka Mudug.

Go’aannadan ayaa loogu talagalay in ay soo afjaraan colaadda ayna horseedaan nabad waarta oo ka dhaqan gasha galbeedka gobolka Mudug. Fulinta iyo ilaalinta qodobadan waxay keeni kartaa in ay labada beelood ku noolaadaan nabad iyo wada noolaansho waarta, iyadoo laga fogaanayo isku dhac iyo khilaafyo mustaqbalka.

- Advertisement -

Dhinacyada oo shir ku yeeshay deegaanka Maygaagta ee galbeedka gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay qodobada dhammeystirka fulinta go’aamadii xabbad-joojinta ee colaadda labada beelood ee ku dagaallamay galbeedka gobolka Mudug.

Waxaa la go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhammeystirka fulinta qodobadii xabbad-joojinta iyo kala qaadista maleeshiyaadka beelihii dagaallamay, islamarkaana ciidamada qaabilsan amniga ay xaqiijiyaan in aan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinayo heshiis nabadeed oo rasmi ah.

Waxaa sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo degaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dagaallamay, waxaana loogu baaqay dhammaan odayaasha labada beelood in ay kaalintooda ka qaataan fulinta go’aannadii xabbad-joojinta labada dhinac.

- Advertisement -

5-ta Agoosto, 2024 ayaa loo asteeyay in uu furmo shirka rasmiga ah ee nabadaynta labada beelood, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo, si loo dhammeystiro gogoshii wada-hadalka nabadda labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in wadahadallada gogoshu ay ku koobnaadaan odayaasha labada dhinac, iyadoo maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan mar walba, lana xallinayaan wixii ay isku fahmi waayaan, sidoo kalana ay farsamo ahaan hagayaan maamulka shirka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts