HomeWararMadaxweyne Trump oo Dib Ugu Soo Laabtay Ololaha Doorashada Mareykanka

Madaxweyne Trump oo Dib Ugu Soo Laabtay Ololaha Doorashada Mareykanka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii shalay dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, hal todobaad kaddib marki uu ka badbaaday isku-day dil xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania. Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha November, ayaa dib uga bilaabay ololaha doorashada gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii shalay dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, hal todobaad kaddib marki uu ka badbaaday isku-day dil xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha November, ayaa dib uga bilaabay ololaha doorashada gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u ah doorashooyinka Mareykanka. Trump ayaa markaan ololaha ku wehliyay ninka uu u xushay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeen, D.J. Vanve.

- Advertisement -

“Waxay aheyd hal todobaad ka hor, xittaa saacadda iyo xitaa daqiiqadda. Fadliga ALLA dartiis ayaan hortiinna ku taaganahay. Ee halkaan ma joogeen,” ayuu Trump ku yiri dadkii isugu soo baxay fagaaraha uu ka hadlay.

Toogashadii 13-kii bishi hore ee uu wiil hubeysani isku dayay in uu ku khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka, ayaa aad u gilgishay guud ahaan Mareykanka, iyadoo si isku mid ah loo wada cambaareeyay.

Hal qof ayaa ku dhintay halka saddex kale oo uu ku jiray Donald Trump ay ku dhaawacmeen. Ciidanka ilaalada gaarka ah ayaa dilay qofkii weerarka soo qaaday.

- Advertisement -

Doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2016-kii ayuu Trump ku guuleystay gobolka Michigan, oo in ka badan 10,000 oo cod kaga sarreeyay Hillary Clinton. Laakiin doorashadii ugu dambeysay ee 2020-kii, waxaa codad dhan 154,000 uga badiyay madaxweyne Biden

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts