HomeWararGuddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland oo la doortay

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland oo la doortay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulkaasi ee afarta sanno ee soo socota, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo uu ku jiray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana doorashada galay oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulkaasi ee afarta sanno ee soo socota, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo uu ku jiray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana doorashada galay oo kaliya hal wareeg.

- Advertisement -

Doorashada waxaa ku guuleestay Musharax Cabdirisaaq Axmed Siciid oo helay  37 cod, Cabdirashiid Yuusuf oo helay 8 Cod, halka Musharax Maxamed Faarax Maxamed Gabyow uu helay 10 Cod iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo isna helay 10 cod.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland  Cabdirisaaq Axmed ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana ninkan si weyn u taageerayay madaxweyne Deni oo qarash badan ku bixiyay..

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa ka socota doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah, halka doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad aan weli loo gudbin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts