HomeWararGolaha Wasiirada oo Maanta kulan ka yeeshay xadgudubka Dowladda Itoobiya

Golaha Wasiirada oo Maanta kulan ka yeeshay xadgudubka Dowladda Itoobiya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, xag amni, siyaasadeed iyo dhaqaaleba – gaar ahaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee is afgarad ku sheeggii Bishan Itoobiya  iyo maamulka Somaliland (ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya) Golaha wasiirada ayaa bogaadiyay sida geesinimada leh ee ay shacabka Soomaaliyeed uga dhiidhiyeen dal iyo dibadd meelkasta oo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, xag amni, siyaasadeed iyo dhaqaaleba – gaar ahaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee is afgarad ku sheeggii Bishan Itoobiya  iyo maamulka Somaliland (ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya)

Golaha wasiirada ayaa bogaadiyay sida geesinimada leh ee ay shacabka Soomaaliyeed uga dhiidhiyeen dal iyo dibadd meelkasta oo ay joogaan oo ay uga soo horjeesteen damaca gurracan ee dowladda Itoobiya oo ay ku muujiyeen shuucurtooda wadaninimo,

- Advertisement -

Sidoo kale Golaha ayaa soo dhawayay go’aamada iyo mowqifyada adag ee ay ka istaageen dowaladda caalamka,ururadda caalamigah gardarada qaawan ee Itoobiya ay ku soo qaaday madax-bannaanida,gobonimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale ayaa sharraxay go’aamadii muhiimka ahaa ee ka soo baxay shirka

“Waxaa si gaar ah oo uu goluhu uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee is-afgarad ku sheegii bishaan kowdeedii la sheegay inuu dhex-maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee gobollada waqooyi ee JFS” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Dhinaca kale golaha wasiirada ayaa maanta kulankooda ku meel-mariyay dhowr heshiis oo kala ah heshiiska ku biirista aagga dhaqaalaha bariga Afrika, heshiiska is-afgaradka difaaca ciidamada Cirka ee Soomaaliya iyo Uganda iyo heshiiska QM la dagaallanka dambiyad abaabulan ee isaga gudbo Qaramada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts