HomeWararDFS oo mamnuucday in Hub lala galo Garoonka Stadium Muqdisho

DFS oo mamnuucday in Hub lala galo Garoonka Stadium Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda Federaalka ee ilaalada ah ka mamnuucday inay hub la galaan Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo uu ka socdo tartanka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Wasaaradda oo qoraal soo saartay ayaa lagu sheegay in intii ay ciyaarahu socdeen soo baxeen arrimo dib u u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda Federaalka ee ilaalada ah ka mamnuucday inay hub la galaan Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo uu ka socdo tartanka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda oo qoraal soo saartay ayaa lagu sheegay in intii ay ciyaarahu socdeen soo baxeen arrimo dib u u qiimayn  u baahan oo Wasaaraddu ku baraarugtay, kuwaasi oo halis gelin lara bedqabka ciyaaryahanada, masuuliyiinta dowladda iyo taageerayaasha.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa xaqiijisay inay diyaarisay ciidamo ammaan ah, oo ku filan ilaalinta mas’uuliyiinta daawashada u tagaya Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Waxay kaloo Wasaaradda tilmaamay inay fududeysay taageerayaasha dowlad Goboleedyada iyo Bobolka Banaadir tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Warka ay soo saartay Wasaaradda.

- Advertisement -

1:-Waxaa gudaha garoonka  laga mamnuucay ilaalada hubka wadata ee farah badan oo abuuray caqabado xagga ammaanka ah.

2:-Waxay wasaaradda diyaarsiay ciidamo ammaan oo ku filan ilaalinta masuuliyiinta garoonka imaanaysa.

3:-Ciidanka iyo habka waxaa lagu soo reebayaa goobo loo cayimay oo ku yaala afaafka hore eegaroonka.

4:Waxaa ammaanka garoonka iyo nawaaxigiisa masuul ka ah hay’adaha amniga ee gobolka Banaadir.

5:-Sidoo kale wasaaraddu wax ay u fududeyneysaa taageerayaasha tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts