HomeWararCiidanka Xoogga oo howlgal ku Burburiyay fariisimo ay lahaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku Burburiyay fariisimo ay lahaayeen Al-Shabaab

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. Ciidamada oo kaashanayay kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Farag ,Huuyaley , Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor, iyo Ceelgaras, kuwaasi […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ciidamada oo kaashanayay kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Farag ,Huuyaley , Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor, iyo Ceelgaras, kuwaasi oo dhammaantood hoosyimaada degmada Xudur.

- Advertisement -

Howlgalka ayaa lagu bur-buriyay fariisimo Shabaabka ku lahayeen degaanadaasi,iyadoo halkaas khasaara xooggan lagu gaarsiiyay Shabaabka, sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay taliye xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS G/le Yoonis Adan Hassan oo hoggaaminaayay Howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa guud ahaan gobolada dalka ka wada howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, halka dhan kale Shabaab iyaguna ay weerar khasaaro geysta ay ku qaadaan saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano.

Latest stories