HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Cabdiraxmaan Baadiyoow

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Cabdiraxmaan Baadiyoow

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa horey u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka, waxaana xilkaasi maalmo kahor loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud.

Latest stories