HomeWararRW Xamse Barre oo ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo...

RW Xamse Barre oo ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kala wareegay dowlad goboleedka Jubaland xaruntii uu ku lahaa degmada Kismaayo, si dayactir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kala wareegay dowlad goboleedka Jubaland xaruntii uu ku lahaa degmada Kismaayo, si dayactir iyo dib-u-howlgelin loogu sameeyo, loona soo gaarsiiyo adeegyada uu bixiyo Bangiga Dhexe deegaannada Jubaland.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku ammaanay bangiga dhexe ee Soomaaliya dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bangigu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts