HomeWararMW Xasan Sheekh oo Bulshada Rayidka ah ka dhageystay Talooyinkooda Ku Aaddan...

MW Xasan Sheekh oo Bulshada Rayidka ah ka dhageystay Talooyinkooda Ku Aaddan Hiigsiyada Qaran

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi.

Dhankooda, Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Latest stories