HomeWararWasiir Fiqi "Ninkii Abwaanka sheegtay hadii uusan isku keen Qarxin waa guul"

Wasiir Fiqi “Ninkii Abwaanka sheegtay hadii uusan isku keen Qarxin waa guul”

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay arrinta la xiriirta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Ummadda, kaasi oo la sheegay inuu ku biiray Al-Shabaab. Wasiir Fiqi oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in arrin layaab leh ay ku noqotay markii […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay arrinta la xiriirta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Ummadda, kaasi oo la sheegay inuu ku biiray Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in arrin layaab leh ay ku noqotay markii ay dowladda maqashay in Abwaan Nageeye uu aaday dhulka Al-Shabaab, isla markaana uu ku biiray.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa tilmaamay in ninkan macalinka ahaa uu isku qarxin karay madax badan oo kamid ah dowladda Federaalka, maadaama uu galaangal ku dhex lahaa dowladda, balse uu Alle ka badbaadiyay dhagartiisa, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.

“Shalay ayay ahayd nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay oo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay aniga maba dhageysan jirinee, waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Abwaan Nageeye Cali Khaliif ayaa waxaa laga baahiyay Sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo Al-Shabaab ay gacanta ku heysto, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Latest stories