HomeWararMadaxweyne Deni oo ku dhawaaqay nooca Doorashada ka dhaceysa Puntland

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay nooca Doorashada ka dhaceysa Puntland

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni xalay ku dhawaaqay in doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtnimada Maamulka Puntland ay noqon doonto nidaamka doorasho qof iyo Cod ah. Madaxweyne Deni oo khudbad jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Puntland u jiheysatay doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana Guddiga doorashooyinka ee PEC uu shaqeynayo sidii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni xalay ku dhawaaqay in doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtnimada Maamulka Puntland ay noqon doonto nidaamka doorasho qof iyo Cod ah.

Madaxweyne Deni oo khudbad jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Puntland u jiheysatay doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana Guddiga doorashooyinka ee PEC uu shaqeynayo sidii ay u dhici laheyd doorashadaasi, kadib markii uu sheegay in hore Maamulka u tijaabiyay qabashada doorasho noocaasi oo kale.

- Advertisement -

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay aanu isagu dooneyn muddo kororsi ku dhisan sharci darro, sidaas darteed doorashada la qabanaayo ay noqon doonto mid qof iyo cod ah, lagu gelaayo 8 Xisbi taas oo la soo dooranaayo 66 Xildhibaan.

“Anigoo ah madaxweynihii waxaan ku dhowaaqaya in uu dalku u jiheeystay doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan,” ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni yiri.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ururada siyaasadda Puntland iyo xubnaha Maamulka  ugu baaqay inay u diyaay garooban doorashada.

- Advertisement -

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo maalmo kahor shir ku qabsadag Garoowe ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts