HomeWararMadaxweyne Muuse Biixi oo Digniin u diray Maamulka Puntland

Madaxweyne Muuse Biixi oo Digniin u diray Maamulka Puntland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay dooneyso inay dhul Somaliland kaga qabsato hab beelaysan, kadib markii saaka Biixi uu khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ay ciqaabi doonaan cidii kusoo xadgudubta gobolada Maamulkiisa, wuxuuna intaas kusii daray in Somaliland […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay dooneyso inay dhul Somaliland kaga qabsato hab beelaysan, kadib markii saaka Biixi uu khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ay ciqaabi doonaan cidii kusoo xadgudubta gobolada Maamulkiisa, wuxuuna intaas kusii daray in Somaliland aysan ogolaan doonin in taako kamid ah dhulkeed lagu soo xadgudbo.

- Advertisement -

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa waxaa digniin u diray maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo sheegay in ay doonayso in ay dhul Somaliland kaga qaadato hab qabiilaysan.

“Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu yiri Biixi Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in loo midoobo dagaalka rogaal-celinta ah oo sida uu tilmaamay lagu difaacayo xuduudihii gumeysigu u sameeyay Somaliland.

- Advertisement -

Hadalka Muuse Biixi ayaa ksuoo beegsaday, ka gadaal markii Madaxweynaha Puntland, oo shalay ka hadlay masiirka gobolada SSC, uu sheegay in ay ku qancayaan wixii reer SSC dan u arkaan, waxa uuna Somaliland ugu baaqay in anay dagaal danbe qaadin.

Latest stories