HomeWararCiidamo ka tirsan DF oo Maanta lagu Qarxiyey Muqdisho & Khasaaro ka...

Ciidamo ka tirsan DF oo Maanta lagu Qarxiyey Muqdisho & Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Waxaracade ee degmada Heliwaa. Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9, waxaana qaraxaasi oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Waxaracade ee degmada Heliwaa.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9, waxaana qaraxaasi oo ahaa mid xooggan uu gaariga ku qabsaday, xilli ay marayeen Xaafadda Waxaracade.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku dhimatay qaraxa, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan, waxaana gaariga la tilmaamay inuu gaarigaasi qeybo kamid ah gaaray burbur.

Labada askari ee dhintay ayaa waxaa la soo gaarsiiyey Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da, halka kuwii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaalka Madiino, si xaaladooda halkaas loogu dabiibo, sidoo qaraxa ayaa waxaa ka badbaaday Eey-da wax urisa ee ka tirsan Ciidanka K9.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts