HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Weerar saaka ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Weerar saaka ka dhacay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saaka Bam-gacmeed ku tuurtay fariisimo ciidanka Boolis Milataaro ay ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino kasoo baxaya falkaasi. Dad ku sugnaa meel ku dhow fariisinta ciidanka ee Bambada lagu weeraray ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay […]

- Advertisement -

Rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saaka Bam-gacmeed ku tuurtay fariisimo ciidanka Boolis Milataaro ay ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino kasoo baxaya falkaasi.

Dad ku sugnaa meel ku dhow fariisinta ciidanka ee Bambada lagu weeraray ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay maqleen dhawaqa jug culus, kadibna ay xigtay rasaas farabadan oo ay fureen ciidanka xasillinta caasimadda ee halkaasi joogay.

- Advertisement -

Raggii qaaday weerarkaasi Bambada ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaana intaas kadib ciidanka ay bilaabeen howlgalo ay ku raadinayaan kooxihii falkaasi ka danbeeyay, inkastoo weli aysan jirin cid loo soo qabtay falka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, goobta la beegsadayna ay tahay xarun ciidan, sidoo kalena ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga.

Shalay ayey aheyd markii qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku naf-waayay dad ku dhow 10 ruux, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Latest stories