HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku xukuntay Rag dilal geystay

Maxkamadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku xukuntay Rag dilal geystay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay xukun Dil toogasho ah ku riday laba Nin oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka geystay dilal iyo falal amni darro. Ragga xukunka lagu riday oo lagu kala magacaabo Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal […]

- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay xukun Dil toogasho ah ku riday laba Nin oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka geystay dilal iyo falal amni darro.

Ragga xukunka lagu riday oo lagu kala magacaabo Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidow) ayaa horey Maxkamadda darajada Koowaad ugu xukuntay Dil bishii May 22-keedii Sanadkan 2023.

- Advertisement -

Janaraal Liibaan Cali Yarow oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka toogashada ah ee Maanta lagu riday Anas Cabduqaadir iyo Aadan Mursal oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Anas iyo Aadan ayaa hore magaalada Gaalkacyo dhinacyadeeda ugu Dilay dad badan, iyagoo dilay xilliyada salaadaha Masjidka marka ay soo oogeen Kedib, waxaana kamid ah Dadkii nolosha ay dhaafiyeen Cilmi Cali  Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad & Maxamed Jaamacad Maxamed.

Latest stories