HomeWararSweden oo Dowladda Somalia ugu hanjabtay xayiraad & sababta oo la ogaaday

Sweden oo Dowladda Somalia ugu hanjabtay xayiraad & sababta oo la ogaaday

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Xukuumadda haatan ka talisa dalka Sweden ayaa waxay doonayaaa inay arkaan Masaafurin badan ee Soomaalida Magangelyo-doonka ee la diiday Codsiyadooda iyo kuwa ka soo horjeeda Amarka tarxiilka ee la soo saaray. Sida laga soo xigtay Warbixin laga baahiyey Telefishinka Swedish television (SVT), ayaa waxay Dowladda Sweden u isticmaalaysaa Deeqaha sidii Hub muranka dhanka Socdaalka, iyadoo […]

- Advertisement -

Xukuumadda haatan ka talisa dalka Sweden ayaa waxay doonayaaa inay arkaan Masaafurin badan ee Soomaalida Magangelyo-doonka ee la diiday Codsiyadooda iyo kuwa ka soo horjeeda Amarka tarxiilka ee la soo saaray.

Sida laga soo xigtay Warbixin laga baahiyey Telefishinka Swedish television (SVT), ayaa waxay Dowladda Sweden u isticmaalaysaa Deeqaha sidii Hub muranka dhanka Socdaalka, iyadoo ku goodisay inay kaalmooyinka Dhaqaalaha kala laaban doonaan Waddankii diida inay Iskaashi ka geystaan sidii Qaxootiga Codsiyadooda Magangelyo-doonka la diiday dib loogu celin lahaa dalalka ay Asal ahaan ka soo jeedaan.

- Advertisement -

Bishii May ee sanadkan 2023-ka, Wasiirada Wasaaradaha Horumarinta Iskaashiga iyo Socdaalka ee dalka Sweden waxay si wadajir ah Qoraal ugu direen Dowladda Federalka Somalia, kuna wargeliyeen inay Iskaashi  xoogan ka muujiyaan Qorshaha Qaxootiga Soomaalida ee Sweden laga soo masaafurin doono.

Telefishinka SVT oo arkay Nuqul ka mid ah Qoraalka loo diray DFS ayaa soo tebiyey in Dowladda Sweden oo muddo dheer ahayd Deeq-bixiyaha ugu weyn Somalia ay haatan dib u eegis ku hayaan Kaalmooyinka Horumarinta.

Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Sweden, Johan Forssell ayaa waxay sheegtay inuu hadafku yahay inay Xukuumadda Cusub ee Sweden dardar gelinayso Arrimaha Tarxiilka  inay dalalka kale ku baraarugaan Isbedelka ku yimid Siyaasadda Sweden ee Kaalmooyinka Horumarinta.

- Advertisement -

Dhanka kale, Agaasime Gobaleedka Hay’adda Diakonia ugh qaabilsan Qaarada Afrika,  Philemon Gazi waxa uu si kulul u naqdiyey Go’aanka Dowladda Sweden, isagoo xusay inay walaac ku abuurayso dadka ku nool gudaha Somalia ee Gargaarka ka hela Sweden.

Sida laga soo xigtay Wakaallada Kaalmada Sweden  (The Swedish Aid Agency) ee SIDA, ma jiraan Kaamo Swedish oo toos loo siiyo DFS.

Si kastaba, Dowladda Sweden waxay bartamihii bishii August ee sanadkan 2023-ka ku dhawaaqday inay dalkeeda laga soo tarxiilayo Kumanaan Muhaajiriin Shisheeye ah oo la diiday Codsiyadooda Magangelyo-doonka iyo kuwo kale oo iskooda u codsaday in dib loogu celiyo dalalkooda Hooyo.

 

W/Q: Ustaad Nuuradiin 

Latest stories