HomeWararTurkiga oo Muqdisho tababar ugu bilaabay Ciidamo cusub oo ku biiray CXD

Turkiga oo Muqdisho tababar ugu bilaabay Ciidamo cusub oo ku biiray CXD

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka C.X.D.S ee Turk-Som tababar uga furay dhallinyaro da’yar ah oo kusoo biiray ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo casharada tababarkooda bilaabaya sanad dugsiyeedka 2023-2024. Saraakiisha tababarka loo furay ayaa sidoo kale goobta lagu dhaariyay maadaama ay soo dhammeysteen dhibbowga ciidannimo. Wasiir Cabdinuur ayaa ciidanka uu […]

- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka C.X.D.S ee Turk-Som tababar uga furay dhallinyaro da’yar ah oo kusoo biiray ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo casharada tababarkooda bilaabaya sanad dugsiyeedka 2023-2024.

Saraakiisha tababarka loo furay ayaa sidoo kale goobta lagu dhaariyay maadaama ay soo dhammeysteen dhibbowga ciidannimo.

- Advertisement -

Wasiir Cabdinuur ayaa ciidanka uu tababarka u furay kula dardaarmay in ay muujiyaan karti iyo firfircooni dheeraad ah, waxa uuna ku boggaadiyay in ay doorteen difaacidda Diinta, Dadka iyo Dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kaga mahadceliyay Madaxweyaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud, sida ay ka go’antahay dib u dhiska ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo la-dagaalanka AS.

Sidoo kale waxa uu mahadcelin u jeediyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiintooda isagoo sidoo kale ku ammaanay saraakiisha Soomaaliyeed ee qeybta weyn ka qaatay fulinta iyo isku dubbaridka tababarkan.

- Advertisement -

Munaasbada waxaa ka qeyb galay Taliye Xigeenka CXDS Janaraal Maadey Nuur Sheekh Ufurow ,Taliyaha Ciidanka Cirka XDS Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood) & Saraakiil ka kala socotay Ciidanka Xoogga Dalka & Dowladda Turkiga.

Latest stories