HomeWararDalalka Ciidamada ATMIS oo taageeray Codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh

Dalalka Ciidamada ATMIS oo taageeray Codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS. Waddamadan, oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya […]

- Advertisement -

Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS.

Waddamadan, oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

- Advertisement -

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan u saamixi karin in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay hadda dalka kaga sugan yihiin.

Codsigan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya dirtay kadib markii Al-Shabaab weerarada kordhisay, taasoo laga cabsi qabo hadii saldhigyo kale ATMIS ka baxaan, ay dhici karto inay Kooxda la wareegto.

Latest stories