HomeWararAl-Shabaab oo saaka Weerar ku qaaday Nuur-Dugle & Dagaal ka dhacay

Al-Shabaab oo saaka Weerar ku qaaday Nuur-Dugle & Dagaal ka dhacay

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Aroornimadii saaka oo khamiis ah ka dhacay deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle. Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaaday Nuur-dugle, weerar kadib ayaa waxaa deegaanka ka bilowday dagaal la isku adeegsaday […]

- Advertisement -

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Aroornimadii saaka oo khamiis ah ka dhacay deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaaday Nuur-dugle, weerar kadib ayaa waxaa deegaanka ka bilowday dagaal la isku adeegsaday hubka cul culus, waxaana dagalkaasi uu socday saddex saacadood oo xiriir ah.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in inta uu socday dagaalka la maqlayay qaraxyo ay adeegsanayeen Al-Shabaabka weerarka ku qaaday Nuur-dugle, xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay kusoo warramayaan dadka deegaanka oo la hadalnay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo ku sugan deegaanka ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ay kusoo qaadeen Nuur-dugle, isla markaana ciidamada haatan ay ku sugan yihiin gudaha magaalada.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay Nuur-dugle, Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay sidaan oo kale Shabaab u weerartay deegaanka Daarunicma oo hoosta degmada Ruun-Nirgood.

Latest stories