HomeWararAl-Shabaab oo saaka Weerar ku qaaday Nuur-Dugle & Dagaal ka dhacay

Al-Shabaab oo saaka Weerar ku qaaday Nuur-Dugle & Dagaal ka dhacay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Aroornimadii saaka oo khamiis ah ka dhacay deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle. Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaaday Nuur-dugle, weerar kadib ayaa waxaa deegaanka ka bilowday dagaal la isku adeegsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Aroornimadii saaka oo khamiis ah ka dhacay deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaaday Nuur-dugle, weerar kadib ayaa waxaa deegaanka ka bilowday dagaal la isku adeegsaday hubka cul culus, waxaana dagalkaasi uu socday saddex saacadood oo xiriir ah.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in inta uu socday dagaalka la maqlayay qaraxyo ay adeegsanayeen Al-Shabaabka weerarka ku qaaday Nuur-dugle, xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay kusoo warramayaan dadka deegaanka oo la hadalnay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo ku sugan deegaanka ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ay kusoo qaadeen Nuur-dugle, isla markaana ciidamada haatan ay ku sugan yihiin gudaha magaalada.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay Nuur-dugle, Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay sidaan oo kale Shabaab u weerartay deegaanka Daarunicma oo hoosta degmada Ruun-Nirgood.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts