HomeWararDad isku qoys ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax dhacay...

Dad isku qoys ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax dhacay Galgaduud

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhex dhacay guri ku yaalla duleedka deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug. Inta la xaqiijiyay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday qarax ka dhex dhacay guriga, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhex dhacay guri ku yaalla duleedka deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Inta la xaqiijiyay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday qarax ka dhex dhacay guriga, halka laba qof kalena oo ku sugnaa goobta ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad isku qoys ah oo deganaa guriga uu qaraxaasi ka dhacay.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud ayaa tagay guriga, isla markaana gurmad u sameeyay labada ruux ee dhaawacantay, sidoo kalena ka qaaday halkaasi meydadka.

Ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa miino baarista ayaa inta badan miinooyin qaraxyo ah kasoo saara deegaannada Al-Shabaab laga saaro, waxaana deegaanka Ceel-lahelay shalay la wareegay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts