HomeWararDowladda Somalia oo soo saartay Amar lagu mamnuucayo TikTok iyo aadalo kale

Dowladda Somalia oo soo saartay Amar lagu mamnuucayo TikTok iyo aadalo kale

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo baraha bulshada ee Tiktok, Telegram iyo 1XBET. Arrintan ayaa la go’aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowladda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa shir guddoomiyey shirka. “Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo baraha bulshada ee Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

Arrintan ayaa la go’aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowladda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa shir guddoomiyey shirka.

“Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda Isgaarsiinta.

“Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts