HomeWararTurkiga oo lagu cadaadinayo inay Sweden u ogolaato NATO

Turkiga oo lagu cadaadinayo inay Sweden u ogolaato NATO

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Turkey ayaa Talaadadii ka digtay inaan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO, waxayna sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga.

Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels si ay uga wada hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO.

- Advertisement -

NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July.

Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga.

- Advertisement -

“Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaadiska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.

Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaamka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masaajiddo.

Latest stories