HomeWararTurkiga oo lagu cadaadinayo inay Sweden u ogolaato NATO

Turkiga oo lagu cadaadinayo inay Sweden u ogolaato NATO

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Turkey ayaa Talaadadii ka digtay inaan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO, waxayna sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga. Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Turkey ayaa Talaadadii ka digtay inaan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO, waxayna sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga.

Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels si ay uga wada hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO.

- Advertisement -

NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July.

Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga.

- Advertisement -

“Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaadiska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.

Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaamka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masaajiddo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts